Thursday, October 27, 2016

Faa’iidada Uu Leeyahay Xabxabku Bisha Ramadaan


Waxa aad kor ugu kaca Cunista qaraha xiliyada bisha Ramadaan ee dadku sooman yihiin, iyada oo dhanka kale khubarada cuntada (nurition) ku ay ku taliyeen in la cuno xabxabka xiliga Af-furka ama Suxuurta.
faa’iidada uu leeyahay xabxabku/qarahu waxa kamid ah..
1-Xabxabku waxa uu basaas-tira ama uu jilciyaa sida labeenta, caloosha iyo jidhka.
2-Waxa uu tamar/awood siiyaa midhiciraha iyo dhiiga
3-Waxa uu hoos u dhigaa heerka cadaadiska dhiiga ee aadka u sareeya (high blood pressure)ka, waxa kale oo uu u fiican yahay wadna xanuunka, waxana uu leeyahay awood uu kaga hortago adkaanshaha halbowlayaasha dhiiga sababtoo ah waxa ku jirta maadada vitamin “C” ga.
4- Xabxabku waxa uu hodan ku yahay macdanaha aasaasiga ah sida Potassium iyo Magnasuim ka, kuwaasoo ka caawiye in muruqyado ay nastaan.
5- Xabxabku 95% waxa uu ka samaysan yahay biyo iyo ”carbohydrate” oo ah waxyaabaha jidhku ka helo kulaylka iyo tamarta sida furunka iyo sonkorta.
6- Xabxabku waxa uu hoos u dhigaa kulaylka jidhka tani oo ah arin gaar ah oo qofka faa’iido u ah dharaartii marka uu sooman yahay.
7- Xabxabku waxa uu baabi’iyaa milixda jidha gasha, waxa kale oo uu bur buriyaa dhagaxda kalyaha.
8- Xabxabku waxa uu faa’iido dawo ah u yahay babaasiirka.
9- Xabxabka waxa ku jirta maadada la yidhaahdo”Lycopene” oo iyadu ka shaqaysa hoos u dhiga Cancer ka midhiciraha iyo wadna xanuunka.

Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin


SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELHALKAN GUJI 
Facebook Page HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI
GOOGLE + : HALKAN GUJI



                                   Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud

0 comments:

Post a Comment