Thursday, October 27, 2016

Qodobo Muhiim Ah Oo Computerkaaga Ka Dhigaya Mid Security Ah


Tilmaamaha soo socodo waa kuwo kaa caawin karo in Computer-kaaga uu ka badbaado Viruses iyo Wixii lamid ah:
1. Firewall-ka hakuu Shidnaado: Firewall waa Barnaamij kaa caawinaya inuu computer-kaada kuu badbaado oo uu ka badbaado soo galitaanka aan sharciyeeysneen tusaale hadii aad ku xirantahay Internet-ka oo uu firewall-ka kaa dansayahay si fudud ayaa loo gali karaa Computer-kaaga oo files-ka ku jiro loo tirtiri karaa ama computer-ka lagaaga qaribi karaa.
Shaqada Firewall-ka waa mar alaalo marki la isku dayo in computer-kaaga lasoo galo adigoo ku xiran network (Isku xire) waxa uu ku weeydiinaya in lafasaxo oo uu soo galo qofka ama in aad u diido oo uusan soo galin waana muhiim inaad taqaano qofka aad u ogolaaneeyso inuu soo galo computer-kaaga.
2.Ku shubo ama iska cusbooneeysii Ka hortagaha Virus-ka  (AntiVirus): AntiVirus waa barnaamij u sameeysan inuu computer-kaada ka difaaco barnaamijyada xun xun ee Computer-ka dhib u keeni kara, wuxuuna raadinaaya Viruses ama Worm iyo wixii lamid ah kuwaas oo dhibaato weeyn leh, mar alaalo marki uu soo qabto wuxuu ku weeydiina in la tirtiro iyo in la iska dhaafo waana muhii inaad iska tirtirto sababto hadii aad ku sii dhaafato waxaa laga yaabaa inta hada uu taaganyahy meel ka daran inuu gaaro.
3.Operating System: OS-ka ama Nidaamka Ka Shaqeeysiiya Computer-ka waa inuu update ahaada macnaha isticmaalki ugu dambeeyay eey shirkadda soo saartay sidookale waa muhiim in Windows-ka uu yahay Genuine (Midki eey shirkadda SOo Saarta) waxaana ku ogaan kartaa inuu Genuine-yahay 1.Right Click On my Computer Properties  2.Waxaad fiirisaa meel eey ku qorantahay Windows Activation (Windows is Activated )
4.Iska Jir Waxyaabaha aad soo dhajineeyso: Iska ilaali waxyaabha aad internet-ka kasoo dajineeyso gaar ahaa Software(barnaamijyada) kana soo dagso meel lisku hubo sida cnet.com, iskana jir inaad furto email attachement(lifaaq) wato qofka kuu soo dirayna aadan aqoon ama markaas aadan sugeeyn ama link email dhaxyaalo .
5.Iska Dami Computer-ka: Koritaanka Inernet-ka xawaaraha leh badanaa dadka computer-koodo asigoo daaran ayee ka tagaan  oo internet-ka ku xiran waxaan suura gal ah in computer-ka laguusoo dhax galo oo dhibaato la gaarsiiyo iska dami computer-ka markaa isticmaasho kadib inetnet-kana kasaar.
Mahadsanidiin
Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin


SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELHALKAN GUJI 
Facebook Page HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI
GOOGLE + : HALKAN GUJI



                                   Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud

0 comments:

Post a Comment