Tuesday, March 1, 2016

Daawo Muhiima ( Isku Daaweynta Qorfaha )



Qorfuhu waa dhir cunto oo aad u udgoon isla markaana dhadhan fiican leh. Waxaa qorfaha daawo ahaan loo isticmaali jiray mudo kumaan sano ah waa loo aaminsanaa inuu yahay daawo dhaqameed caafimaad badan. Waxaa jirtay waqti qorfuhu ka qiimo badnaa dahabka!.
Sayniska casriga ah ayaa ka markhaati kacay dhaqankaas soo jireenka ah waxaana la xaqiiyay in qorfuhu yahay daawo waxtarka badan
Hadaba waxaynu halkaan kusoo qaadanaya qaar ka mid ah faaidooyinka qorfaha ee ay saynisyahannadu ku ogaadeen cilmi baarista.
Faaidooyin ugu muhiimsan ee  qorfaha ayaa la sheegaa inay ku jirto saliida laga miiro geedkaan.


  1. Kontaroolka sonkorta dhiiga:
Qorfuhu wuxuu faaidooyin  muhiim ah u leeyahay dadka qaba sonkorta gaar ahaan nooca labaad (Type 2 Diabetes). Waxaa qorfaha ku jirta maadada loo yaqaan “Cinnamaldehyde” oo sonkorta dajisa.
2. Kobcinta shaqada maskaxda:
Waxaa la arkay in qorfuhu kobciyo feejignaanta, wuxuu kaloo u fiican yahay xusuusta. Ardayda dareenta walaaca iyo isku yaacsanaanta xilliyada imtixaanka ayaa lagula taliyaa inay cabaan shaah qorfe lagu daray subaxa hore, wuxuu dajiyaa maskaxda.
3. Ka hortagga cuddurada wadnaha:
Qorfuhu waxa uu wadnaha ka ilaaliya in waxyeello iyo infakshan ku dhacaan, Cuntada fudud ee dadku inta badan cunaan waxaa ku jira kolesterool iyo dufanka caafimaadka u daran. Qorfuhu wuxuu dagaallamaa kolesteroolka xun, wuxuuna ka hortagaa in xididdada dhiiggu xirmaan, waxaa kale oo uu yareeyaa khatarta wadne xanuunka.
4. Shaqada Xiidmaha:
Qorfaha waxaa ku jira Kalshiyaam iyo fiber oo muhiim u ah shaqada xiidmaha. Fiber waxaa aa uu ka hortagaa kansarka xiidmaha.
Fiber wuxuu si gaar ah uu bogsiiyaa calaamadaha xanuunka malawadka kacsan ee afka qalaad lagu yiraahdo “Irritable Bowel Syndrome” ama IBS waana cudurka ugu badan ee keena xanuunka xiidmaha iyo malawadka, calaamadaha lagu karto waxaa ka mid ah shuban, calool fadhi, calool xanuun, dibiro iyo dhuuso badan.
5. Ka hortagga cudurrada maskaxda:
Qorfuhu waxuu daawo iyo ka hortag u noqon karaa xanuun maskaxda ku dhaca,  sida Alzheimer’s, burooyinka maskaxda iyo Parkinson oo ah cudur ku bilowda burburka unugyada maskaxda ee dareen wadayaasha ah .
6. Xanuunka caadada: Shaah qorfe leh oo aad cabtaa maalmaha caadadu soo so dhowdahay ama maalinta koobaad waxay yareysaa  xanuunka caadada.
7. Yarenta lafo xanuunka:
Waxaa la arkay in qorfuhu yareeyo xanuunka lafaha gaar ahaan kalagoysyada.
Waxaa Tijaabo lagu sameeyay bukaano qabay bararka kala goysyada oo aan socon karin, waxaa la siiyay qaado barkeed qorfe budo ah iyo qaado malab ah subax kasta quraacda ka hor waxaana lagu arkay isbeddel weyn mudo asbuuc gudihiis ah, bil gudaheedna socodkii ayay dib ugu bilaabeen.
8. Wareegga dhiiga:
Qorfuha waxaa ku jirta maado la yiraahdo “coumarin” oo hagaajisa wareegga dhiiga ee jirka oo dhan.
Waxaa muhiim inaad ogaatid qorfaha oo la isku badiyaa waxay dhaawici kartaa beerka waxayna horseedi kartaa inuu howlgab noqdo!.
9. Hargabka:
Qorfuhu waxaa u ka mid yahay waxyaabaha dabiiciga ee lagula tacaalo hargabka iyo ifilada. Wuxuu yareeyaa cune xanuunka. Waxaad isku darsan kartaa hal ama labo qaado oo qorfe budo ah iyo shaaha cagaaran.
Qufaca iyo ifila waxaa kaloo lagu daaweeyaa in la cabbo isku-darka biyo dirran, malab iyo qorfe, quraacda kadib iyo habeenkii intaan la seexan ka hor.
10. Caafimaadka afka:
Qorfuhu waxaa uu dilaa jeermiska keena suuska waxaana uu la dagaallamaa caabuqa cirridka  iyo huurada, afkana wuu carfiyaa.


Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin


SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELHALKAN GUJI 
Facebook Page HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI
GOOGLE + : HALKAN GUJI



                                   Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud

0 comments:

Post a Comment