Sunday, October 30, 2016

Sida Loo Xannibo Xayeysiiska aan wax laga akhrisan karin ee ku jira Website-yada, Youtube iyo Facebook,Google

Dhiilood.Blogspot.com – Akhriste ka mid ah Dhiilood.Blogspot.com ayaa isoo weydiiyey su’aashan Walaal waxaa idhibay markaan aqrisanayo aqbaaraha xayeysiin ee sideen isaga xanibaa?”
Waxa kale oo aan marar badan arkay ayadoo laga cabanayo xayaysiiska faraha badan ee websiteyada laga buuxiyo, oo qoraallada gees kasta lagaga lingaxo, oo ah indho-sarcaad aan wax laga akhrisan karin, ayadoo mararka qaarkoodna ay xayaysiisyada ka soo dhex muqdaan sawiro anshax xun.
Haddaba, jawaabta si akhristayaasha oo dhammi uga faa’iidaystaan waxaan qoraalkan ku baran doonaa barnaamijka “Adblock Plus” oo lagu xannibo (badanaa) xayaysiiska website-yada, xayaysiiska la socda Youtube iyo xayaysiiska Facebook.

Waa maxay “Adblock Plus”, sidee u shaqeeyaa?

“Adblock Plus” – oo loo soo gaabiyo ABP –  waa lacag la’aan, waana mid u furan dadweynaha (oo ah open source), adeegsigiisu aad ayuu u sahlan yahay, waxaana lagu rakibaa barnaamijyada lagu daalacdo websiteyada ee loo yaqaan “Browser-ka”, sida Chrome, Firefox, Opera, Internet Explorer ama Safari. Sidoo kale waxaa lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee nooca Android (sida Galaxy S__, iwm).
Sida ku cad websiteka Adblock Plus (https://adblockplus.org/) waa barnaamij ka mid ah kuwa loogu adeegsiga badan yahay, waxaa la soo rogtey in ka badan 300 million (saddex boqol oo million oo jeer).
Haddaba, marka Browser uu ku rakiban yahay  “Adblock Plus” lagu booqdo website, badanaa wixii xayaysiis oo ku jira websiteka waxaa xannibaya barnaamijkaas, waxaana shaashadda computer-kaaga ka soo baxaya websiteka oo aan xayaysiis la socon, ama badnaa xayaysiiskii laga xayuubiyey.




 Xayaysiiska badan kiisa ayuu xannibaa barnaamijkaas Adblock Plus si uu u soo baxo websiteka aan lahayn xayaysiis soo mutuxan.





Sida “Adblock Plus” loogu rakibo Browser-ka

1. Soo diyaari browser-ka aad adeegsanaysid. Tusaale ahaan Google Chrome ayaan adeegsadey, laakiin isku hab ayaa la raacayaa browserada oo dhan.
2. Booqo websiteka https://adblockplus.org/ ama toos u booqo bogga u gaarka ah Chrome oo ah https://adblockplus.org/en/chrome (Haddii aad adeegsanaysid Firefox booqo https://adblockplus.org/en/firefox).
3. Riix batoonka Install for Chrome (FG: Haddii aad adeegsanaysid Firefox waxaa batoonkaasi noqonayaa “Install for Firefox”)
  • FIIRO GAAR AH (FG): Marka aad booqatid websiteka ABP oo ah https://adblockplus.org/ waxaa batoonka laga soo roganayo yeelanayaa magaca Browserka lagu booqday sida Firefox, IE, Opera, Chrome iwm

 4. Riix batoonka Addee shaashadda yar ee soo baxday.



5. Markaas Adblock Pluswaxa uu ku rakibmayaa Browserka. Si taas loo hubiyo waxaa browserka dhankiisa sare ee xigta midig ka muuqanaya calaamadda barnaamijka oo ah ABP (eeg sawirka hoose).




6. Sida ka muuqata sawirka sare, maadaama barnaamijka aan hadda ku rakibay browserka, waxaa ka muuqda inaan wax xayaysiis ah weli la xannibin. Eeg barta ay ku qoran tahay (Ads blocked: 0 in total).
7. Haddaba eeg sawirka hoose – waa markii aan booqday ilaa shan website, waxaana barnaamijku xannibay isku darka ilaa 41 xayaysiis ah (Ads blocked: 41 in total).
Halkaas waxaa kaaga muuqda sida uu cawaandi u yahay barnaamijka ‘Adblock Plus’ oo muddo kooban uu durbadiiba u xannibay xayaysiis badan.
  • FG: Si aad u aragtid inta xayaysiis ee barnaamijku xannibay, riix barta ABP ee dhanka midig ee Browserka (eeg sawirka hoose).

FG: Meesha ay ku qoran tahay “Options” ee shaashadda sare waa barta laga agaasimi karo qaabka loo xannibayo xayaysiiska, waa haddii loo baahdo in wax laga bedelo qaabka caadiga ah ee barnaamijka ‘Adblock Plus’ uu u xannibayo xayaysiiska.
Marka aad “Adblock Plus” ku rakibtid browerka aad ku daalacatid websiteyada, wixii ka dambeeya waxaad dhex mushaaxi kartaa Internetka ayadoo uu xannibayo badanaa xayaysiiska, marka laga reebo xayaysiisyo kooban oo ah kuwo aan soo mutuxnayn oo barnaamijku u arko in aysan ku indha sarcaadinayn.
Waxaan rajaynayaa in aad casharkan aqoon kororsi ka faa’iidey. Waxa kale oo aan rajaynayaa in akhristahii i-soo weydiiyey su’aashii sababta u ahayd in aan qoraalkan qoro ee ahayd “waxaa idhibay markaan akhrisanayo akhbaaraha xayeysiin ee sideen isaga xanibaa?” in marka uu browserkiisa ku rakibo Adblock Plus in xayaysiis dambe uusan dhibi doonin.
Fadlan hoos ku qor inta xayaysiis ee barnaamijka Adblock Plus kaa xannibay maalintii koowaad ee aad ku rakibtay browserkaaga.


Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin


SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELHALKAN GUJI 
Facebook Page HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI
GOOGLE + : HALKAN GUJI



                                   Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud

1 comment: