Thursday, October 27, 2016

Xikmadaha Maanta Duruusta Waayaha Xalqadii 8aad

– Waxa auu waayuhu I baray in dadka kuwa iigu waxyeelka badani ay yihiin kuwa aan kalsoonidayda oo dhan siiyey.
– Waxa uu waayuhu I baray in shay kastaaba ku bilowdo yari dabadeedna koro (Weynaado) Masiibadu se ay ku bilaabanto weyni kadibna ay yaraato, sidaa awgeed marka ay masiibo dhacdo ay tahay in aan u sabro inta ay yaraanayso.
– Waxa aan bartay in damiirku uu yahay Qof igu lammaan oo mar kasta oo aan gef ku kacayo ii sheego in cidi I arkayso.
– Waxa aan bartay in mar walba aanay qasab ahayn in aan guulaysto, laakiin ay qasab tahay in aan mar kasta ku fikiro sidii aan u guulaysan lahaa.
– Waxa aan ogaadey in qofka uu dakhligiisu yahay Malyuunka Shilin aanu Kun jeer ka shaqo badnayn ka dakhligiisu yahay Kun Shilin ee sirtu ay tahay sida maskaxda looga shaqaysiiyo uun.



– Waxa aan ogaaday in Oorida fiicani ay tahay ta quruxda ku beerta Qalbiga ninkeeda.
– Waxa uu waayuhu I baray, in ceebtu aanay ahayn in aan meel sare ka soo dhaco, balse ay tahay in aan fanan kari waayo.
– Waxa aan ogaaday in haddii uu qofku waayo mabda’ uu dartii u dhinto in aanu helayn wax uu dartii u noolaadana.
– Waxa uu waayuhu I baray in ay ceeb tahay in dhagax qudha aan laba jeer kuwada turaanturoodo.


– Waxa aan bartay in dadku ay illaabayaan dhaqsaha aad hawl ku fuliso, balse ay weligood xasuusnaanayaan waxa aad qabatay, markaasaan iska dhaafay degdegga, xooggana saaray sidii aan hawsha u qaban lahaa sida ugu quruxda badan muddaba ha qaadato ee.
– Waxa aan bartay in hadyad yar oo aan la filaynin in aan bixiyaa ay ka qiimo badan tahay hadyad aad u weyn oo qofka aan siinayaa sii og yahay.

Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELHALKAN GUJI 
Facebook Page HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI
GOOGLE + : HALKAN GUJI


                                      Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud

0 comments:

Post a Comment