Thursday, October 27, 2016

Xikmadaha Maanta Xalqadii 1aad

Asc In  aad ku fikirtid wax wanaagsan ayaa u fiican  jiritaankaaga. Noloshaaduna waxa ay noqonaysaa mid kuu fudud.
Hadaba halkan ka akhirso xikmada maanta!
  • Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba caawi adiga oo jecel in aad caawisid.
  • Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid! Ha wada isticmaalin waxa aad haysato ee bar kaydso. Hana seexan hurdo badan oo ku seejisa dantaada.
  • Marka aad qof ku dhahaysid waan ku jeclahay, dheh adiga oo ay dhab kaa tahay.
  • Aamin in jacaylku ku dhalan karo qofka arigtada ugu horeysa!
  • Jeclow qof jacayl dhab ah xiiso badan leh. Waxa dhici karta in  qofka aad jeceshahay kaa tago. Taasna waxa aad ku dareemi kartaa nolosha dhabta ah.
  • Dadka meel hakaga dhicin oo ha caayin.




  • Si degan u hadal, laakiin si dhaqso ah u fikir.
  • Hadii uu qof ku waydiiyo su’aal aanad rabin in aad ka jawaabto, u ilka cadee oo waydii: Maxaad u rabtaa in aad arintaa ogaatid?
  • Qofka hindhisa u ducee
  • Isfahmid la’aan yari yay kaa duminin saaxiibtinimo wayn.
  • Marka aad aragtid in aad qalad gashay si dhaqso ah u sax.
  • Marka aad ka jawaabaysid telefoonka ilko cadee, qofka kula hadlayaa waxa uu maqlayaa ilko cadayntaada!


  • Waqti isa sii adiga kuu gooni ah.
  • Soo dhawee fikirka ah in aad isbedali kartid. Laakiin, ha ka tagin waxa aad aaminsantahay.
  • Xusuusnow in ay aamusnaantu mararka qaankood tahay jawaabta ugu wanaagsan.
  • Nooloow nolol wanaagsan oo qiimo leh
  • Marka aad gaboowdo xuuso wanaagii ku soo maray, si aad mar kale uga heshid dareen fiican waqtigii wanaagsanaa ee ku soo maray.
  • Aamin dadka, laakiin albaabka gurigaaga xiro.
  • Waxii aad ogtahay ee faa’iido leh u sheeg dadka kale ha kula qaybsadaan,e. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqoto qof waligii la xusuusto oo dad badani yaqaanaan.

  • Waligaa ha goynin xiriirka qof ku tusaya wanaag.
  • Sanakiiba u bax meel aanad waligaa arag, ha ahaato wadan kale, magaalo kale, xaafad kale, kayn kale ama duur duur kale.
  • Hadii ay ku soo gasho lacag badan, u maal gali si ay dadka u caawiso inta ay nool yihiin.
  • Isku day in aad baratid sharciyada oo dhan, oo qaarna jebi!
Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin


SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNEL: HALKAN GUJI 
Facebook Page : HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI

GOOGLE + : HALKAN GUJI


                                  Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud


0 comments:

Post a Comment