Thursday, October 27, 2016

Tobanka Laptop Ee Ugu Batariga Fiican 2016

Sababaha ugu muhiimsan ee laptop lagu xusho waxaa ka mid ah cimriga batariga, Dad badan ayaa ku dhib qaba batariga dhakhso u dhamaanaya. Shirkado badan ayaa bilaabay inay soo saaraan laptop yo daba hayn kara mudo dheer.
Qormadaan waxan ku eegi doonaa laptop yada leh batari cimri dheer:

Lenovo ThinkPad X260


laptop-ka ThinkPad X260 ee ay soo saarto shirkadda Lenovo waxa uu dabka hayn karaa mudo 17 saacadood ah. Maalintii oo dhan ayaad ku shaqayn kartaa waana khafiif oo meel kasta ayaad u qaadan kartaa.


Acer Aspire One Cloudbook


Waa laptop aad u raqiis ah, waxaana uu dabka hayn karaa mudoo 14 saacadood iyo 45 daqiiqo ah

Apple MacBook Air


Waxaa uu dabka hayn karaa 14 saacadood, waxaa ku jira barnaamijyo badan oo tayo leh. Ballaca shaashadiisu 13 inch.

Dell Chromebook 13


Qoloftiisa kore waxay ka samaysan tahay karboon waana sababta uu fududyahay. Waxaa uu leeyahay awood badan howl-gudasho fiican Cimriga batarigiisu waa 13 Saacadood.


Waa laptop kii ugu horeeyay ee ay soo saarto shirkadda caanka ee Microsoft, waxa uu leehay awood badan, xawaarihiisana aad ayuu dheereeyaa.  Surface Book cabirka shaashaddiisu waa 13.5 Inch, Waxaa uu dabka xejin karaa 12 saacadood iyo badh.

Apple MacBook Pro


Cimriga batarigiisu waa 12 saacadood

Dell XPS 13


RAM kiisa waa 8 GB ah qaadkiisa guduhu (Internal disk storage) waa 128GB, 12 saacadood ayuu dabka xejin karaa.

Vaio Z


Ma ahan raqiis laakiin dabka waxa uu haynta 12 saacadood.

Lenovo 100s Chromebook


Aad ayuu jaban yahay qiimo ahaan, miisaankiisu 2.2 KG, dabkana waxaa hayn karaa in ka badan 11 saacadood.



Fadlan hadii aad ka heshay xalqadeenan maanta like and share and subscribe samee si ay uga faaiidaan asxaabteena kale aan arag casharka waa mahadsantihiin


SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELHALKAN GUJI 
Facebook Page HALKAN GUJI
INSTAGRAM : HALKAN GUJI
GOOGLE + : HALKAN GUJI



                                   Waxaa idiin soo diyaariyay Abdikariem Mahamoud


0 comments:

Post a Comment