Saturday, February 25, 2017

Daacish oo isticmaasha App ay iskugu diraan fariimaha.



Dawlada islaamiga ah ee daacish waxay horumarisay App cusub oo Message si toos ah la iskugu dirayo Operating System ka Android, waxaana ku fiicanyahay inuu ku ilaalinayo inay wada xidhiidhaan xubnaha ururku si amni ah, waa sida ay sheegeen ururka Chost Security Group ee raacsan ururka Hackers ka ah ee caanka ku ah magacan Anonymous.
Ururka Ghost Security Group ee sidoo kale loo yaqaano GhostSec waxay sheegteen in ay yihiin shabakad ka hortagta argagaxisada, waana qayb ka tirsan ururka ballaadhan ee Anonymous.
Ururkani wuxuu sheegtay inuu awooda saari doono siduu gacanta ugu soo dhigi lahaa xubnaha uruka islaamiga ah ee isticmaala app kan iyagoo kaashanaya wakaalada wararka ee maraykanka iyo dhamaan shirkadaha kamasuulka ah website yada bulshadu ku kulanto, iyagoo kufaanaya inay akoono ay dawlada islaamiga ah lahayd ay hore albaabada ugu laabeen.

Dawladan islaamiga ah waxay ka faa'idaysatay encryptions ka uu leeyahay telegram ku, balse maamulka telegram markuu ogaaday arintaa wuxuu albaabada u laabay 78 channel oo xidhiidh la leh dawladaas.

11 january, ururka GhostSec wuxuu sheegay inuu kashifay App kale oo ay adeegsato dawladan islaamiga ah kaas oo magaciisu ahaa Alrawi.

Waxa la sheegay in App kan ay adagtahay in lahelo Link laga dowload garaysto maadaama oo aanuu ku jirin Google Play Store oo si qarsooni ah loo isticmaalayo.


0 comments:

Post a Comment